Somaliland oo soo warisay dhimasho iyo kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 80 qof kadib markii lagu tuhmay.

Sidda lagu caddeeyay war qoraal ah oo wasaaradda kasoo baxay, laba iyo soddon qof (32) waxaa laga helay xanuunka faafa; dhamaantood waa muwaadiniin, 21 qof waa rag, 11-ka kalana waa dumar.

Da'dooda ayaa u dhaxeysa; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 9 qof, 30jir ilaa 39jir = 11 qof, 40jir ilaa 49jir = 4 qof, 50jir ilaa 59jir = 2 qof, 60jir ilaa 69jir = 2 qof, 70jir ilaa 79jir = 2 qof iyo 80jir ilaa 89jir = 1 qof.

Bukaanadan ayaa waxa ay kala degan yihiin; caasimadda Hargeysa 19 qof, Borama 5 ruux, Berbera 5 shaqsi iyo Burco oo ah 3 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday, sidda ku cad bayaanka, 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Labaatan [28].

"Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da'diisuna ahayd 84 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland sideed iyo toban [18]," ayaa la raaciyey qoraalka.

Tiradda guud ee xaaladaha cudurka ee degaanadda Somaliland ayaa gaarey 257, taas oo la macno ah in ay ku dhow yihiin 300.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey uga digtay in fayruska kasoo bilowday bartamaha Shiinaha uu ku faafo goboladda xilli uu kusii yaraanayo gudaha magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM