Somaliland oo soo warisay kiisas horleh oo ah safmarka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 65 ruux kadib markii lagu tuhmay in ay qaadeen cudurka dilaaga ah.

Warbixinta maalinlaha ah ee 7-da May, sanadkan 2020 ayaa lagu caddeeyay in 17-da shaqsiyaadkaas laga helay xanuunkaas faafa.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in dhamaantooda ay yihiin muwaadiniin, 15 kamid ah rag yihiin, 3-da dumar.

Bukaanadda ayaa lagu waramay in ay da'dooda u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 8 qof, 30jir ilaa 39jir = 4 qof, 40jir ilaa 49jir = 1 qof, 60jir ilaa 69jir = 1 qof iyo 70jir ilaa 79jir = 2 qof.

Bayaanka ayaa daboolka looga qaadey in ay ku kala nool yihiin; Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64)," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Kiiska Covid-19 ee Somaliland ayaa sii cagacageynaya 430, halka dhimashadda ay ku taagan tahay 24, maadaama saacadihii lasoo dhaafay aanan la diiwaan-gelin xaalado geeri oo horleh, wallow ay nasiib wanaag tahay taasina.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM