Somaliland oo xaqiijisay in Farmaajo uu la kulmayo Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dalka Jabuuti kula kulmo Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa xaqiijiyay Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono Muuse Biixi, iyagoo ka wada hadli doono ajandooyin aan wali la shaacin.

Sacad Cali Shire ayaa dabaalka ka qaaday in kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee ka dhacaya Jabuuti uu wadada u xaarayo dib usoo nooleynta wadahadalladii maamulka Hargeysa iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in Madasha Wadahadalka laga wareejiyay dalka Turkiga, kadib markii uu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Soomaaliya oo u aqoonsan yahay Somaliland inay kamid tahay dalka Soomaaliya.

Sacad ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Switzerland ay shaacisay inay diyaar u yahay inay martigeliso wadahadllada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

"Wadahadalka labada dhinac waxay dib uga furmi doonaan dhawaan dalka Switzerland," ayuu yiri Dr Sacad Cali Shire.

Kulankan oo wali waqtiga uu furmayo la shaacin, ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli xiisad ay ka taagan tahay Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland tan iyo 8-dii January. 

GAROWE ONLIN

 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM