Somaliland oo xirtay Xubno taageeray urur diimeed cusub

Image

HARGAYSA, Somaliland- Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex nin oo dhawaan taageeray urur diimeed looga dhawaaqay dalka Masar oo lagu magacaabo al-Saaciduuna Bil Xaq.

Sida uu cadeeyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Cabdullaahi Fadal Imaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay howlgalka lagusoo qabtay raggaas oo uu sheegay inay socdeen ilaa shalay.

Taliye Fadal ayaa xubnaha ku eedeeyay inay taageero u muujiyeen urur liddi ku amaniga maamulkaas isagoo ku tilmaamay mid hareer marsan shareecada Islaamka.

"Ciidamada Booliiska Jamhuuriyada Somaliland waxay galeen howlgal balaaran shalay ilaa xalay, Ciidanka Booliisku waxay gacanta kusoo dhigeen saddex xubnood oo ah xubnihii ururkaasi ku dhawaaqay, isla markiiba waxaa xarigooda looga xalaaleeyay maxkamada. Waxaa laga yaaba in dad isweydiiyaan sababta marka hore waaran loogu jari waayey, waxaa weeya markuu kiiska yahay kiis culus waaran la'aan ayaa la xira sida ku qoran qodobka 58-aad ee xeerka ciqaabta," Ayuu yiri Mudane Fadal.

Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay xarunta dhexe ee Booliiska ayuu sheegay in raggan dhawaan la gayn doono maxkamad si loo marsiiyo ciqaabta ay mudanyihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii markii muqaal lagu baahiyay baraha bulshada uu muujinayay xubno ku sugan Hargaysa  oo taageero u muujiyay ururkaas oo looga dhawaaqay dalka Masar horaantii bishan.

Al-Saaciduuna Bil Xaq oo macne ahaa noqnaysa kuwii xaqa iftiiminayay ayaa culimadu sheegeen inay wataan fikirkii Takfiirka, qomkaas oo isu arka inay wadada xaqa ah ku toosanyihiin kaligood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM