​Somaliland oo xusaysa 25-sano guuradeeda

Image

HARGAYSA- Dabaal dagyo xooggan, ayaa kasocda magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland, kuwaasi oo ay ugu dabaal dagayaan 25-sano guuradii kasoo wareegtay waqtigii ay sheegeen inay ka go'een Somalia inteeda kale.

Magalada Hargaysa ee caasumadda u ah Somaliland, ayaa fantasiyaha ugu weyn kasocdaa, waxaana wadada weyne ee halbowlaha loo yaqaano maraya ciidamo, gaadiida iyo dadweyne kala matalaya qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo qaab qurux badan usoo labistay.

Madaxda maamulkaasi, ayaa fadhiya goob sare loo dhisay, iyagoo daawanaya dhoolo tusyada socda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacabka u jeedin doona khudbad uu uga hadlay arrimaha maamulkaasi.

Baraha bulshada ayaa todobaadkan aad looga dareemayay xuska 18-ka May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM