Somaliland: Shaqo kuma lihin doorashooyinka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Somaliland ayaa shaaciyay inuusan qeyb ka ahayn, islamarkaana waxba ka khuseynin heshiiskii doorashadda ee 17-kii bishan Muqdishi ku saxiixdeen DF iyo Maamullada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa caddeysay in heshiiska lagu gaarey Muqdisho uu yahay "riyo iyo marin-habaabin", waxaana looga baaqay shacabka maamulkaasi inay ka feejignaadaan "hagardaamooyinka".

Waxay sheegtay Somaliland inay tahay dowlad "madax-banaan", oo aan wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka oo ay tilmaantay inuu dejiyay maamul taagdaran oo ka jira Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM