Somaliland: Tiradda dadka la nool HIV/AIDS oo dhaaftey 3,200 qof

Image
Image
Image
Image
Image
Warbixinta lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2024.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay warbixin ka soo baxday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu sheegay in labaatankii sano ee u dambeeyay ay sare u kaceen kiisaska AIDS-ka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa ku tilmaamay xogta mid aan sax ahayn, oo aan la ogalayn, oo ay suuragal tahay in ay waxyeelo soo gaarto, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday in heerka HIV-ga ee Somaliland uu weli hooseeyo oo uu si joogto ah hoos ugu sii dhacayo.

Warbixinta lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2024, in guud ahaan Somaliland laga helay cudurka HIV/AIDS 3,206 qof.

Sidda ku xusan xogta, 2,481 bukaan ayaa la siiyay daawaynta ka hortagga retroviral, halka 725 aanay daawayn u raadsan sababo shakhsi ah awgood.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sanadkii 2024-kii oo kaliya, 714 qof laga baaray cudurka, iyadoo 103 xaaladood la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 64 dumar ah iyo 39 rag ah.

Somaliland waxa ay bilawday in ay bixiso daawaynta ka hortagga cudurka HIV 2005-tii, waxaanay si joogto ah u balaarisay wax ka qabashada cudurka HIV-ga.

Ilaa 2021, 1,868 qof ayaa la noolaa HIV-ga guud ahaan degaanada hoos-yimaada maamulkan, iyadoo 193 xaaladood oo cusub la soo sheegay sanadkaas.

Waxqabadyada caafimaadka dadweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa baaris bilaash ah, barnaamijyo daawaynta, iyo ololeyaal waxbarasho si loo yareeyo dhaleeceynta iyo horumarinta ka hortagga cudurkan oo aad ugu batay dhulka Soomaalida ay dagan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM