Somaliland waqti ku dartey ajaanibta la saarayo

Image

HARGEYSA- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay kordhisay wakhtigii ay hore u shaacisay inay dadka ajaanibka ah ee aan sharciyada haysani kaga baxaan Somaliland waxana lagu daray muddo bil ah oo dheeraad ah.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo arrintan maanta shaaciyey ayaa sheegey waqti kordhintaan, isaga oo xusey in logu talagley in dadkaan hantidooda kala baxaan muddo ku filan.

Somaliland ayaa muddo haatan laga joogo bil waxa ay shaacisay inay dalkeeda kaga baxaan cidkasta oo aan sharci haysanin waxana muddadaas  ku baxay ajaanib ah oo u badan qoomiyadda Oromada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM