​Somaliland: Waran-cadde oo u jawaabay Gaafoow

Image

HARGAYSA- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay eedo la xiriira  codsi xarun laga bixiyo baasaboorka Soomaaliga oo laga furo Somaliland oo uu madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Gen. Cabdilaahi Gaafow u jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Waran-cadde. 

Wasiir Waran-cadde oo arrintaasi ka jawaabayay xilli uu la hadlay saxaafadda Hargaysa ayaa sheegay inaysan jirin wax codsi  ah oo ku dalbaday xarun baasaboor, isagoo qoraalka lasoo bandhigay ku sifeeyay mid ay dhoob dhoobeen dad fidinaya dacaayado. 

“Runtii waa mucjisooyinka aynu Somalia ka maqlayno, Gaafowna saraakishii aan xukumi jirey ayuu kamid ahaa, laakiin Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa arrinta dabada ka wada, waana been raqiis ah oo la abuuray, waxaanu leenahay Baasaboor aanku socdaalno oo meel walba ku tagno,”Ayuu yidhi Cali Waran-cadde. 

Deedafaynta wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa soo baxday kadib markii uu madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Md Gaafow si gaar ah ugu jeediyey Waran-cadde, isagoo warqad uu saxaafadda u akhriyey ku sheegay in wasiirku dalbanayaan xarun baasaboorrada soomaaliga ah laga bixiyo oo Hargeysa laga furo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM