Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Laba muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa lagu khaarijiyey, laba kalena waa lagu dhaawacay kadib weerar ka dhacay duleedka Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Taliska Booliska oo shaaciyey in dhacdadan lagu soo war-geliyay Khamiistii ayaa weerarka lagu beegsaday ajaaniibtan wuxuu ku sifeeyay mid salka ku haya "burcadnimo'.

Taliye ku xigeenka bileyska, Sareeyo Guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa tilmaamay in rag ka tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan gacanta lagu soo dhigay.

Mr Fooxle ma uusan ka jawaabin su'aal ku aadaneyd tiradda saxda ah ee shaqsiyaadkaasi iyo suurtogalnimada iyo falka u ahaa mid ku saleysanaa "soo galooti naceyb".

Sarkaalkan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku adkeystay in baaritaan uu ku socdo xubnahaasi, isla markaana kadib ay fahfaahin buuxda ka bixin doonan shaqaaqadan.

Ajaaniibta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo jeedan qowmiyadda Oromadda, sidda ay xaqiijisay Qunsulyadda xukuumada Addis Ababa ee Hargeysa.

Somaliland, maamul gooni isu taag sheegta balse caalamka u aqoonsan yahay in uu hoostago dowlada Soomaaliya, ayaa kamid ah marinada tahriibeyaasha qaar kamid ah dalalka deriska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM