Swan oo tegay Hargeysa xilli Biixi muddeeyay doorashada

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomalaiya, James Swan, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay howlgalka UN-ka ee Soomaaliya, wadahadalada ay dhinacyaddu yeesheen ayaa diiradda lagu saarey arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka.

"Isagoo hadlayey ka dib kulan uu maanta Hargeysa kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxa uu hoosta ka xarriiqay sida Qaramada Midoobay ay u taageerto dadka Somaliland, waxa uuna soo dhoweeyay doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee soo socda: dhammaan saaxiibbadu 'waxa ay quud-darreynayaan doorashooyinkan,'" ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM oo lagu daabacay bogaga ay ku leeyihiin baraha bulshadda.

Dhanka kale, war qoraal kulankan oo kahor kasoo baxay xafiiska Biixi ayaa waxaa lagu muddeeyay waqtiga ay qabsoomayaan in doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka maamulkan gooni-u-goosadka ah.

"[Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey] in Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021," ayaa lagu yiri bayaanka oo lagu daabacay ciwaanka Madaxtooyadda Somaliland ee Facebook.

Doorashooyinka baarlamaaka iyo goleyaasha degaanka ee Somaliland ayaa shan jeer oo xiriir ah waxay baaqdeen shantii sano ee lasoo dhaafay.

Goleyaasha degaanada iyo baarlamaanka cusub ee la dooran doono ayaa bedelaya xubnaha haatan fadhiya oo muddo dhaafay. Ololaha doorashooyinka waa kuwa durba bilaabay, loolankana wuu ka adag yahay siduu ahaa kalkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM