Tirada kiisaska fayruska Corona ee degaanada Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga ka hortagga Coronavirus ee maamulka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqdey saddex xaaladood cusub oo fayruska safmareenka ah.

Kiisaska cusub ayaa laba kamid ah waxaa laga soo wariyey magaalada caasimada ah ee Hargeysa, halka labada kale ay ka jiraann Boorama. Tani waxay wadarta guud ka dhigeysaa shan.

Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa horey looga soo sheegay laba xaaladood, oo mid kamid ah uu soo ritay muwaadin Shiinees ah, halka bukaanka kale uu yahay muwaadin ka yimid UK.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa xili sheybaarka lagu baaro xanuunka dilaag ah ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay shalay ku wareejisay xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wadarta guud ee kiisaska Coronavirus ee guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda gaartay 28, maadaama 25 kamid ah laga xaqiijiyey magaala madaxda Muqdisho.

Caasimadda Soomaaliya ayaa ah magaalada ugu badan kiisaska laga soo sheegay, intaas waxaa u wehlisa in ay u geeriyoodeen laba qof oo mid uu yahay wasiir ka tirsanaa HirShabelle.

Si lamid ah, magaalada Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah laga bilaabo labada fiidnimo illaa iyo shanta subaxnimo, kaas oo dhaqan-geli doona 15-ka bishaan April, sanadka 2020. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM