Turkiga iyo Itoobiya oo ka shiray wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ergayga Turkiga u qaabilsan wadahadaladda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa todobaadkan Addis Ababa kula kulmay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya.

Hirut Zemene iyo Olgan Bekar oo kulmay 6-dii bishaan December ayaa waxay kawadda xaajoodeen arrimo kala duwan.

Qodobadda ay isla soo qaadeen ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin qaabkii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodyadda Muqdisho iyo Hargeysa.

Wadahadaladda ayaa hakad ku jira tan iyo 2014-kii. Itoobiya iyo Turkiga ayaa kamid ah dowladdaha aadka u doonaya in ay martigelinayaan wareegyadda xigta ee wadahadalka.

Turkiga ayaa kamid ah dowladihii ugu dambeeyay ee lagu qabtay wadahadaladii lasoo dhaafay, wallow aysan natiijo wanaagsan kasoo bixin.

Olgan Bekar ayaa horey wuxuu u soo noqday safiirka Turkiga u jooga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale, wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa shaacisay in labadda mas'uul ay kawada xaajoodeen nabadda, ammaanka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha ee wadamadda Geeska Afrika.

"Wakiilka gaarka ah wuxuu bogaadiyey doorka Itoobiya ee gobolka, isaga oo sharaxay in Turkiga uu wax badan kaga qeyb-qaato nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal Wasaaradda kasoo baxay.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili todobaadkan uu gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya la kulmay guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadalka.

Dhinacyadda ayaa shirkooda degdeg ah wuxuu yimid maalin kadib markii Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga UCID, uu dabciyey mowqifkiisa wadahadalka, soona jeediyey in dib loo bilaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM