Uhuru iyo Biixi oo ku heshiiyey tobban qodob

Image

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyeyaasha Kenya iyo maamulka Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa kala saxiixdey heshiis ka kooban tobban qodob, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga.

Qoraal kasoo baxay wadahadalo ay yeesheen labada dhinac ayaa lagu sheegay in ay isku raaceen xoojinta iskaashigooda dhanka ammaanka, xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo la dirirka argagixisada.

Bisha Maaj ee sanadka dambe 20221 ayay isku afgarteen in diyaaradda Kenyan Airways bilowdo duulimaad ay u tagto Hargeysa iyo in Kenya ay xafiis diblumaasiyadeed ka furato caasimada maamulkan.

War-murtiyeedka oo Talaadada maanta ah warbaahinta loo diray ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dib-u-qaabeyn ku sameyn doonto xafiiska ay ku leedahay magaala madaxda Kenya ee Nairobi.

"Mas'uuliyiinta sarre ee Somaliland ee u soo socdaaleysa Kenya waxay fiisaha kusoo dalban karaa nidaamka online-ka ah ee loo yaqaano e-visa laga bilaabo dhamaadka Maaj, 2020," ayaa la raaciyey.

Labada madaxweyne ayaa faray mas'uuliyiinta Somaliland iyo Kenya in ay ka heshiiyaan fahfaahinta iyo jadwalka farsamo ee lagu dhaqangelinayo heshiiska si gaar ah arrimaha khuseeya Ardayda, saraakiisha beeraha, dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo xirfadlayaasha kale.

"Labada hogaamiye ayaa balanqaadey in ay sii wadayaan kawada shaqeynta in ay u gogol-xaaraan nabada iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika. Khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab ku hayso gobolka ayay hoosta kawada xariiqeen," ayaa lagu daray bayaankan uu arkay Garowe Online.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayay ugu baaqeen in ay taageeraan isla markaana xoojiyaan dedaaladda gobolka looga sifeynayo argagixisada.

"Labada hogaamiye ayaa isla qiray doorka Kenya ku leedahay nabada, xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya iyo in ay cod u tahay dhamaan fursad ay Umadda Soomaaliyeed ku difaacato madax-banaanidooda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-murtiyeedkan ku qornaa luuqadda English.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse aduunka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM