Urur caalami ah oo cambaareeyay xariga Somaliland ee laba Telefishin

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ururka ay ku mideysan yihiin Wariyeyaasha Aan Xuduuda Lahayn ayaa cambaareeyay xariga maamulka Somaliland kula dhaqaaqey laba muuqaal-baahiyeyaal.

Talafishinada Erayl iyo Horyaal oo xafiiskooda Hargeysa albaabada loo laabey waxay laamaha ammaanka sabab uga dhigeen "baahinta warar been abuur ah" balse kutlada ayaa beenisay.

Mulkiileyaasha labadaasi xarun warbaahineed ayaa ku doodey in loo beegsaday markii ay dhaliileen siyaasada xukuumada Muuse Biixi ee wajahan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Degaanadaasi waxaa isku haysta dowladda Puntland iyo maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Reporters Without Borders [RSF] ayaa ku tartarsiisay maamulka Hargeysa in labadaasi Tv uu ka dulqaado xayiraada, isla markaana uu xormeeyo "karaamada iyo xorriyadda" hadalka.

"Tan iyo markii la doortay Muuse Biixi saxaafada Somaliland ma aysan helin wax horumar ah," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay RSF, oo intaasi ku daray "Xiritaanka Erayl iyo Horyaal waa xadgudub ka dhan ah warbaahinta xorta ah".

Xabsiyada Somaliland waxaa haatan ku jira shaqsiyaad kuwaasi oo loo haysta qoraal ay soo dhigeen baraha bulshadda oo ay ku dhaleeceynayaa xukuumada oo isugu jira wariyeyaal iyo hal-abuuro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM