Wadadkii ka cararay Somaliland oo ku biiray ururka Al-Shabaab
HARGEYSA, Somaliland - Sheekh Aadan Sunne oo kamid ahaa culimadda waa weyn ee degaanadda maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyey in uu ku biirey maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab.
”Waxaan la cararay naftaydda markii maamulka somaliland xadgudub iyo caburin ii gaystay," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda duhurnimo ee BBC-da.
Somaliland ayaa asbuucii hore markii ugu horeysay waxay si furan uga hadashay wararka ku gadaaman maqnaanshiyaha wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Aadan Sunne.
Cabdillaahi Xuseen, wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha Somaliland oo Isniinta maanta ah kasoo muuqdey saxaafadda, ayaa xusay in Sheekh Sunne uu ku sugan yahay degaano ay maamusho Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtey Xuseen oo si toos ah aan u shaacin degaanka rasmi ah ee uu ku sugan yahay wadaadka, haddana waxaa loo badinayaa in uu joogo goboladda Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
"Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe," ayuu yiri.
Balse illo madax-banaan ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in wadaadka uu ku sugan yahay magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.
Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa intaas ku daraya in kahor baxsashada Sheekh Sunne ay baadigoobayeen ciidamadda booliska Somaliland wallow aan la ogayn sababta ay u guursanayeen.
"Kaligii ma uusan baxsan. Waxaa wehliya dhamaan xubnaha qoyskiisa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan mukhaabaraadka Somaliland oo la hadlay warsidaha GO balse ka gaabsadey adeegsiga magaciisa.
Somaliland ayaa dhowr jeer horey u xirtey Sheekh Sunne iyo dhalinyaro taabacsan. Tusaale, 2018-kii maxkamad ayaa wadaadka ugu xukuntay 5 sano dacwad aan fahfaahinteeda lala wadaagin warbaahinta.
GAROWE ONLINE