Wafdi ka socda Masar oo gaarey Somaliland, lana kulmay Muuse Biixi

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Masar ayaa maanta gaarey magaaladda Hargeysa, ee caasimadda maamulka Somaliland.

Hamdi Sanad Luza iyo wafdigiisa ayaa waxay kulan kula qaateen aqalka madaxtooyadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka Masar iyo Somaliland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saarey sidii Somaliland ay xiriir dhanka ganacsiga ula yeelan lahayd Masar, oo ah dal cilaaqaad taariikhi ah kala dhaaxeeya Soomaaliya.

Maalin kahor, waxaa Somaliland booqday Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo kadib markii uu ku casuumey Muuse Biixi Cabdi, waxaana safarkiisa uu ahaa mid maamulka Hargeysa aqoonsi uga raadinayo Midowga Africa, iyadoo loo marayo siyaasiyiinta miisaanka leh.

Somaliland ayaa hadda ka taagan khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya hanaanka loo marayo doorashada Baarlamaanka iyo Gollayaasha degaanka, oo xisbiyada ka biyo diideen xubnaha hadda ku jira Guddiga doorashada, oo la dhaliilay doorashadii uu kusoo baxay Muuse Biixi November 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM