Wafdi ka socda Masar oo gaarey Somaliland, lana kulmay Muuse Biixi

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Masar ayaa maanta gaarey magaaladda Hargeysa, ee caasimadda maamulka Somaliland.

Hamdi Sanad Luza iyo wafdigiisa ayaa waxay kulan kula qaateen aqalka madaxtooyadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka Masar iyo Somaliland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saarey sidii Somaliland ay xiriir dhanka ganacsiga ula yeelan lahayd Masar, oo ah dal cilaaqaad taariikhi ah kala dhaaxeeya Soomaaliya.

Maalin kahor, waxaa Somaliland booqday Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo kadib markii uu ku casuumey Muuse Biixi Cabdi, waxaana safarkiisa uu ahaa mid maamulka Hargeysa aqoonsi uga raadinayo Midowga Africa, iyadoo loo marayo siyaasiyiinta miisaanka leh.

Somaliland ayaa hadda ka taagan khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya hanaanka loo marayo doorashada Baarlamaanka iyo Gollayaasha degaanka, oo xisbiyada ka biyo diideen xubnaha hadda ku jira Guddiga doorashada, oo la dhaliilay doorashadii uu kusoo baxay Muuse Biixi November 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM