Wafdi ka socda UK oo Muuse Biixi kala hadlay Colaadda Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Safiirka dowladda Ingiriiska ee u fadhiya Soomaaliya, David Concar oo socdaal ku tagay Axadii shalay magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland.

Waxaa madaxtooyadda Somaliland kusoo dhaweeyay, oo wadahadal kula qaatey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay kamid ahaayeen colaadda gobolka Sool iyo wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay doorashadii Farmaajo, iyadoo dedaallo dhawaan la sameeyay ay fashiliyeen colaadda Tukaraq iyo heshiiskii saddex geesoodka Dekada Berbera.

Beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay xabad-joojin ka sameeyay Tukaraq, islamarkaana ay wadahadal ku soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya.

Xiisadda Tukaraq ayaa billaabatey markii Somaliland xoog kula wareegtay degaanka bishii January ee sanadkan, waxaana labada maamul ku dhexmaray halkaasi dagaallo dad badan ay ku dhinteen.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka UK ay sodoo kale isla soo qaadeen arrimaha doorashada Baarlamaaniga maamulka Muuse Biixi ee sanadkan horaanta 2019-ka. 

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go'day dalka Soomaaliya intiisa kale sanadkii 18-kii May, sanadkii 1991-dii, balse, tan iyo xilligaas ma aysan helin wax aqoonsi caalami ah.

Kulanka Safiirka Ingiriiska la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qeyb ka ah dadaalo caalami ah ay wadaan saaxiibadda Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantooda Bud-dhig u yahay sidii dib leyskugu soo hor-fariisin lahaa dhinacyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM