​Wafdi kasocda Jabuuti oo tagay Hargaysa

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Xasan Maxamed Cumar  iyo Taliyaha ciidanka Booliska, Cabdilaahi Cabdi Faarax oo weheliyaan xubno sar sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Xubnaha, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay mid la xiriira dhinaca amniga.

“Aniga iyo weftigaygu waxa aanu u nimi arrin weyn oo sida aad u garanaysiin Jabbuuti iyo Somaliland waa walaalo, laba shacbi oo walaal ah, shacbi ahaan taariikh weyn ayaa ka dhaxaysa…. Markaa farriin ayaanu u keenay madaxweynaha, farriinta madaxweynihii ayaan u dhiibnay oo  saxaafadu ma leh oo xagan kama sheegayo, laakiin waxa aanu u nimi dhul ahaan in aanu xuduudka labada dal si fiican u xoogayno," Sidaas waxaa magaalada Hargaysa wariyaasha ugu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuti oo wax laga weydiiyay ujeedka socdaalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto xasarad ka taagan dhinaca xuduuda oo booqashadoodu la xiriirto in xal laga gaaro isagoo xusay,"Walaalayaal mushkilad way dhici kartaa laakiin mushkiladda rag ayaa u jooga baa xaliya, dhul kasta way ka dhacdaa mushkiladu laakiin mid ogaada in aanu nahay laba dal oo aan kala maarmin”.

Majirto wax war ah oo dhinaca Somaliland kasoo baxay kaasoo ku aadan booqashada wafdiga Jabuuti ay ku yimaadeen caasumadda Somaliland.

Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland iyo Jabuuti adkeeyeen isu socodka xuduudda u dhexeysa taasoo keentey in cilaaqaadka labada dhinac meel hoose gaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM