Waraabe oo Warbaahinta ka codsaday in SSC-khaatumo ku tilmaamaan “Argagaxiso”

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo luuqada looga hadlo Warbaahinta Somaliland, isla markaana loogu yeero maamulka SSC-Khaatumo “Maleeshiyo”.

“Magacyada uu cadawgu bixiyow ma ahan inaan qaadano, waa inaynu hogaaminaa afka laga adeegsasdo Saxaafadda”, ayuu yiri.

Faysal ayaa soo jeediyay in dadka Sool aan la oran, lana adeegsado Bariga ama Koonfurta gobolka Sool, isaga oo faray warbaahinta inay xiisada taagan ku soo koobaan Laascaanood.

Waxa uu codsaday in aan la baahin hadallada Dhaqanka Sool oo uu ku tilmaamay kuwo mas’uuliyad darro ah oo sida xun u saameeya ammaanka Somaliland.

Waxa kale oo eedaymo u soo jeediyay hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, isaga oo ku eedaynaya inuu xiriir la leeyahay argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM