Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ciidamada Caare iyo Somaliland

Image

HARGEYSA - Waxaa dagaalo maanta 28/07/2019 dhexmarey ciidamo uu wato Korneyl Caare iyo kuwa Somaliland degaano galbeedka ka xiga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag kuwaas oo wararku xusayaan iney weli xiisadu taagan tahay.

Caare oo laga wareystey Idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegey in maleeshiyaadkiisu ku sugan yihiin degaanka Tabco isagoo xusey inuu dagaalka uu la galay ciidamada Somaliland sii wadi doona inta laga helayo cadaalad lagu dhaqo dadkiisa kuwasoo sheegey ineysan waxba ku haysan maamulka Muuse Biixi.

Sida warsidaha Garowe Online horey u shaaciyey dagaalkaan ayaa dhacey iyadoo lagu gudda jiro waan-waan u dhexeysa Korneyl Caare iyo maamulka Somaliland. Halkaan ka akhriso

Warar laga heleyo saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegaya in Korneylka dagaalkii maanta dhacey lagaga furtey gawaari dibna looga riixey degaankii uu qabsadey.

" Caare waxaa uu ka faa'ideystey waan waantii socotey taasoo sababtey in ciidamdiisa gaaraan degamadaann dagaalku ka dhacey." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo diidey in magaciisa la xuso.

Caare ayaa ciidamada Somaliland ka goostay markii uu qayb ka noqdey colaado Sanaag ku dhexmaraya beelo wax dagan gobolkaasi oo bilihii lasoo dhaafayey dagaalamayey.

Dhinaca kale, Caare iyo ciidamada uu wato ayaa maamulkii Madaxweyne Gaas fariisimo ka siiyey degaano ku dhow Sanaag taas sida muuqata maamulka cusub ee Puntland go'aankaas wax ka badaley.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM