Wasiirada Somaliland oo la beeniyey inay ka shireen safarka Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayaa beenisay wararka xusaya in Golaha Wasiiradda maamulkaas ay ka shireen socdaalka madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Jamaal Maxamed, xoghayaha wasiirada maamulka Hargeysa, oo qoraal soo dhigay Facebook, ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warkaas.

"Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland wax shir ah oo ku saabsan Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa ma aysan yeelan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Warka baraha bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin".

"Muwaadiniinta Somaliland sidaas ha ula socdaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xoghaye Jamaal Maxamed.

Tani ayaa meesha ka saareysa sheegashooyinka ku saabsan in Wasiirada Somaliland ay ogolaadeen safarka Farmaajo iyo Abiy.

Saleebaan Gaal, afhayeenka Aqalka Odayaasha Somaliland, ayaa mar sii horeysay oo maanta ah ka dhawaajiyey in Abiy Axmed uu madaxdooda ku cadaadinayo in ay soo dhaweeyaan hogaamiyaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM