Wasiirka difaaca UK oo booqday Somaliland xilli xiisad ka jirto Tukaraq [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Gaashandhiga boqortooyadda Ingiriiska, Gavin Williamson, ayaa socdaal aanan lasii shaacin wuxuu ku tegay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland.

Williamson ayaa wuxuu kulan la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, iyo xubno kale oo kamid ah Gollahiisa wasiirada oo uu ku jiro Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidamada maamulka Hargeysa.

Dhamaan dhinacyadaan ayuu kala hadlay Gavin Williamson arrimo ku saabsan xiriirka siyaasada iyo ciidamada, waxaana ay isla meel-dhigeen qodobadii ay isla soo qaadeen, sidda laga soo xigtay war kasoo baxay Madaxtooyada.

"Kulanka wuxuu kusoo dhamaaday is-afgarad buuxa, iyo in la xoojiyo cilaaqaadka Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-geliyo iskaashiga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Biixi.

Waa markii ugu horeysay mas'uul haya xilka wasiirka difaaca dowladda Ingiriiska uu soo booqdo degaanada maamulka Somaliland tan iyo markii ay xorriyadeeda ka qaadatay sanadkii 1960-kii.

Safarka Gavin Williamson ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan dalka ka fiijisay wakiilkii UN-ka uqaabilsanaa dalka taasi oo la fahansan yahay inay UK si wayn uga carooratay.

Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale siiya xukuumada Muqdisho, iyadda oo si lamid ah tababarta qaar kamid ah ciidamada maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM