​Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Somaliland oo Muqdishu ku sugan

Image

MUQDISHU, Somalia- Warbaahinta Somalida ayaa aad u hadal haysa safar uu maalintii labaad magaalada Muqdishu ku joogo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Mas’uulkan oo sidoo kale katirsan hogaanka sare ee xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa la sheegay inuu la kulmay madax sare oo katirsan xukuumadda Somalia gaar ahaan Ra’isal wasaaraha. Lama oga waxay kawada hadleen labada Khayre iyo Maxamed.

Ex Wasiir Maxamed  Cabdullahi Cumar ayaa sidoo kale la sheegay in magaalada Muqdishu uu kaga qayb galay shirar kala duwan oo mid kamid ah looga hadlay amniga Somalia.

Mas’uulkan ayaa la filayaan inuu Axadda 20 Augost, 2017 ka dhoofo Muqdishu.

Lama oga in arrintaana ka war hayso xukuumadda Somaliland oo horay u mamnuucday in shakhsiyaadka katirsan dowladda iyo shacabka Somaliland-ba booqdaan Muqidhu.

Dhowr jeer oo hore waxaa xabsiga la dhigay Wariyaal shaqo u tagay caasumadda Somalia.

Maamulka iskiis goonida isu taagay ayaa sheega inuu ka baxay Somalia inteeda kale muddo ka badab Rubuc Qarni.

Dadka qaybtiis waxay aad isu weydiinayaan ujeedka safarka iyo tallaabada xukuumadda qaadi doonto hadii mas’uul sare oo katirsan xisbiga Kulmiye uu la kulmay madaxda sare ee DFS.

Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in la socdsiiyo wada-hadal dhowr jeer fashilmay oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia. Lama oga in kulankan uu qayb ka yahay wad-hadalka labada dhinac.

Xukuumadda Farmaajo ayaa ballan qaaday inay wada-hadalka Somaliland kala dhaxeeya dowladda Fedraalka ay ka miro dhalin doonto.

Somaliland ayaa haatan isu diyaarinaysa doorashada Madaxtinimo oo haddan muddo kooban ka hartay, waxaana aad ugu loollamay mas’uuliyiinta sare ee axsaabta Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM