Xildhibaan Caan ahaa oo geeriyooday

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamid ahaa Gollaha Wakiiladda maamulka Somaliland.

Allah ha u naxariistee Xildhibaanka ayaa mudooyinkii dambe xanuun aan la sheegin la jiifay Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, kaasi oo maanta uu ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen qaar katirsan xubnaha qoyskiisa.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Gollaha Wakiiladda Somaliland, isagoo kamid ahaa Xildhibaanada Xisbiga haya Talada [KULMIYE] ee laga soo doortay gobolka Maroodi-Jeex, gaar ahaan degmada Gibiley sanadkii 2005.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM