Xisbiyadda Somaliland oo ku kala aragti duwan sharciyada Baarlamaanka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyada siyaasadda ee degaanada Somaliland ayaa aragti iska soo horjeeda ka haysta sharciyadda Baarlamaanka haatan shaqeeya, sida laga soo xigtay hadalo ay jeediyeen hogaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE.

Sharci-dejinta maamulkaan gooni isku taaga ah oo ka kooban labo Golle – Wakiilada iyo Guurtida – ayaa xisbiyada mucaaradka ah waxay ku doodayaan inaan hayn kuwa sharci ah, maadaama uu waqtigu ka dhamaaday.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa si cad u sheegay in dhankood aanu aqoon-saneen Baarlamaanka haatan shaqeeya, wuxuuna ku baaqay in la kala diro, dhowr jeer.

Balse, xisbiga talada haya ee KULMIYE oo ka jawaabay hadalka Waraabe ayaa difaacay sharciyada Baarlamaanka haatan shaqeeya, wuxuuna tibaaxay in inta laga soo dooranayo xubno cusub ay sii jiigo doonan xafiiska.

Axmed Cabdi Dheere, gudoomiye ku xigeenka xisbul xaakimka Somaliland, ayaa ku nuux-nuux saday in doorashooyinka Gollayaasha degaanada iyo Baarlamaanka ay dhici doonto waqtigii loo mudeeyay.

Faysa Waraabe iyo Cabdi Dheere oo hadaladaan iska soo horjeeda kasoo yeeray ayaa ku loolamay shir jaraa’id, kaasi oo ay si toos ah farta isugu fiiqeen, inkasta oo dhinac kasta oo midka kale xushmad u muujiyay mowqifkiisa.

Siyaasada Somaliland ayaa ahayd mudooyinkii ugu dambeeyay mid jahwareer uu ka taagnaa, maadaama mucaaradka uu waday Olale xoogan oo ka dhan ah xukuumada haatan jirta, taasi oo eedaymo culus ujeediyeen.

Jahwareerka ayaa yimid markii lagu eedeeyay maamulka Muuse Biixi inuu doonayo dib udhac uu ku keeno doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo Baarlamaanka iyo in Guddiga doorashooyinka oo tabasho laga gudbiyay uu sii shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM