Xisbiyadda Somaliland oo soo afmeeray khilaafkii doorashada

Image

HARGEYSA, Somaliland - Kadib cadaadis iyo dhex-dhexaadin ka timid Beesha Caalamka, xisbiga Somaliland ayaa soo afmeerey khilaafkii doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Xisbiga KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban sideed qodob oo ay ku gelayaan coddeynta oo muddo shan jeer ah horey dib ugu dhacday.

Qodobada ay isku afgarteen ee Axdiga ku jira ayaa waxaa kamid ah; in la kordhiyo guddiga xubnaha doorashooyinka, kaasi oo ah codsi ka imaanayay xisbiga mucaaradka ah.

Tiradda oo haatan ah todoba ayaa laga dhigi doonaa Sagaal, iyadda oo ay ansixinayaa Golaha Wakiilada kahor inta aysan Xildhibaano Aqalka ka tirsan aysan u soo jeedin dalabkaasi.

Xisbiyadda ayaa ka codsaday mudaneyaasha in ay meel-mariyaan wax ka bedelka tiradda xubnaha guddiga doorashooyinka oo la filayo in la horgeeyo 1-da bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Sidda ku xusan heshiiska, hadii mudaneyaasha ay diidaan ansixinta wax ka bedelka, doorashadda waxaa lagu geli doonaa todoba xubnood, iyadda oo mar kale cod ka gelin doono doorashsada kadib.

Wakiilo ka socda beesha caalamka gaar ahaan wadamadda Midowga Yurub ayaa waxay goobjoog ka ahayeen saxiixa heshiiskan oo ay ku tilmaameen "mid taariikhi ah".

HOOS KA AKHRISO HESHIISKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM