Kenya oo diblumaasiyiin sar-sare u dirtay caasimadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Diblumasiyiin sarre oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku sugan magaaladda Hargeysa, caasimadda Somaliland, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Mas'uuliyiinta ayaa ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay u dhameystiri lahaayeen xafiis diblumaasiyadeed oo xukuumadda Nairobi ay ka furaneyso magaaladaas, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah.

Xubnahan, oo wafdi dhowr qof ka kooban ah, ayaa sidoo kale waxay booqdeen magaaladda Berbera, halkaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu dhowaan kasoo laabtey.

Xogta la helayo ayaa waxay intaasi ku dareysaa in saraakiisha isla Khamiista, 18-ka Septemnber sanadkan 2019, ay dib ugu laabanayaa dalkooda hooyo.

Cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya ayaa xoogeysatay sanadan iyadda oo xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi uu sii xumaanayo uuna gaarey meeshii ugu hooseeyay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhextaala dood sharciyeed ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska.

Dacwadaas ayaa hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan u fadhiisaneysa horaanta bisha November kadibna xukunka soo saareysa.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii kadib burburkii dowladii Siyaad Barre. Tan iyo waagaas ma helin ictiraaf. Caalamka wuxuu u aqoon yahay maamul ka tirsan dowlada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM