Xubno katirsan WADDANI oo Hargaysa lagu xukumay

Image

Xubno katirsan Xisbi Siyaasadeedka Wadani, ayaa maanta waxaa xukun ku riday Maxkamadda gobolka ee magaalada Hargaysa, kadib muddo kabadan Bil oo ay ku xirnaayeen caasumadda Somaliland.

Xoghayihii waaxda dhallinyarada iyo Sportiga ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa, Mawliid Cabdi, ayaa BBC-da u sheegay in Yoonis lagu helay denbi uu ku tilmaamay -khalkhal gelin nabadgelyada iyo faafin warar been abuur ah.

Waxaa sidoo kale Maxkamaddu amar ku bixisay Maxamed Sidiiq Cabdillaahi, oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbigaas oo la xirnaa Yoonis Axmed Yoonis in la xorriyadiisa la siiyo.

Hase-yeeshee xeer ilaanta ayaa rafcaan ka qaadatay sii daynta Maxamed Sidiiq, oo Xabsiga ayaa lagu celiyay.

Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay xukunkaas, waxayna ku tilmaamtay mid sharci darro ah, kadib xilli uu warbaahinta la hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Labada Sarkaal ayuu xusay in lagu xiray waxyaabo sharci darro islamarkaana ay gudanayeen waajibaadkooda, xilli ay dhaliilayeen arrimo ka socday caasumadda Hargaysa.

Saraakiishan ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay ka hadleen waddo ay bixinaysay dowladda hoose ee magaalada Hargaysa, waxayna sheegeen in lagu dhibaateeyay arrintaas dad shacab ah.

Wadada ayay xuseen in tallaabada lagu bixinayo ka dambaysay Marwada Madaxweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM