Amiirka Qadar oo la kulmay Khayre, balan-qaadna u sameeyay DF
DOHA - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Doha ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amiirka Qadar uga mahadceliyay soo dhawayntii ballaarnayd iyo marti soorka Doha loogu sameeyay wadfiga uu hoggaanayo.
Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than, ayaa ballan qaaday in ay sii wadayaan xoojinta xariirka laba dal iyo taageeradooda shacaka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale maalmihii uu dalkaasi joogay la kulmay dhiggiisa dalkaasi, waxa uuna maanta ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Doha.
Dalalka Khaliijka ayaa ku loolamaya Soomaaliya xilli uu khilaaf u dhaxeeyo, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay inay u jan-jeertay dhanka Qadar, maadaama ay kamid yihiin shaqsiyaad xiriir dhaw la leh Xukuumadda Doha.
GAROWE ONLINE