Beesha caalamka oo ku baaqdey in ciidamadu ka baxaan Saaxdheer

Image

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned'Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer  gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay. 

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.”   

Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan maamulka Soomaaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka. Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka.

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM: 

www.unsom.unmissions.org   
@UNSomalia 
www.facebook.com/UNSomalia 

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM