Beesha Caalamka sidee u aragtaa Go'aanada Shirkii Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

“Waa wax aad dhiirigelin u leh in GAQ uu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada iyo qaybsiga kheyraadka iyo dakhliga,” ayuu yiri Md. Keating. “Caqabadda hadda na hortaalla waa hirgelinta, si ay dadka Soomaaliyeed ay heshiisyadan uga fa’iideystaan.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM