Coronavirus: Farmaajo oo fariin u diray ganacsatada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah.

“Dowlad ahaan waxa aynu nahayd dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM