Deni oo gaaray Boosaaso, kana hadlay amniga magaaladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay degmada Carmo ayaa waxaa magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar kamid ah Goleyaasha dowladda Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka magaalada Boosaaso.

“Waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta balaadhan ee ay noo sameeyeen aniga iyo weftigayga maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka reer Boosaaso, runtii waxaa waxlaga xumaado ah in dad cadaystey dadkeena biri-magaydada ah inay horteena ku qashaan oo uu ugu danbeeyey Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo runtii ahaa Suldaan Qiime weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed meel kastay joogaanba oo ka qayb qaadan jirey nabadda, ciddii falkaas geysatey iyo kuwii ka horeeyeyba ee lagu diley maareeyihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O iyo inta la mid ka ah ee ka shaqaynaayey horumarka wadankan, dadkii falay saasi ula jeedadoodu waxay ahayd nolosha Puntland inay gooyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madxaweynaha ayaa meel fagaaro ah kula-hadlay shacabkii soo dhoweeyey, isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga gobolka, iskana kaashadaan sidii Boosaaso amnigeeda, horumarkeeda, bilicdeeda iyo wadajirkeedu taam u noqonlahaa.

“Waxaan balanqaadaynaa inaan si adag uga hortegayno dadka doonayo inay dadkeena dhibaateeyaan ee nolosheena wax u dhibaya, waxaan rajaynayaa Boosaaso iyo guud ahaan Puntland inay kusoo noqoto nabaddii lagu naaloonjirey ee caanka ku ahayd, oo burburkii hoyga u noqotay ummad Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaan gacan furan kusoo dhoweynaynaa cid kasta oo danaynaysa inay ku noolaadaan Puntland kuna siyaadinaysa horumar” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadeeyey in shacabka iyo dowladda Puntland diyaar u yihiin difaacidda dalkooda iyo dadkooda, isla markaana aanay u dulqaadanayn intaasi ka badan dad meel kale ka yimi oo nabadgelyadooda wax u dhima, Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in xukuumaddan cusub ee hadda curatay saldhiggeedu yahay isla-xisaabtan, waxqabad iyo wada jir in lagu gaaro horumar taama.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM