DF oo dib ula wareegtay Xaruntii dhexe ee telefonnada Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya  - Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu.

Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda.

“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena” ayuu yiri wasiirka.

Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm.

Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta, iyo teknlojiyada.

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM