Farmaajo oo dalka dib ugu laabtay kadib Shirkii Brussels [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo saagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee duullaanka ku ah jiritaanka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM