Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Madxafka Qaranka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska Xarunta Madxafka Qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dadka Soomaaliyeed aysan sugin gacmo shisheeye oo u dhisa dalkooda ee taas baddalkeeda ay isku tashadaan, una istaagaan ka qayb qaadashada barnaamijkan isxilqaanka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in fekerka Isxilqaan uu hadda ficil isu baddalay oo Madaxfka Qaranku uu yahay xaruntii labaad oo shaqada dhismuhu ka bilaabatay, iyadoona dib-u-dhiska Tiyaatarku uu meel wanaagsan marayo.

“Bacdamaa ay guul ahayd in aan bilownay shaqada dib-u-dhiska Tiyaatarka Qaranka, waxaan ku xejineynaa Madxafka, Maktabadda Qaranka iyo xarumo badan oo dowladdu leedahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho iyo kuwo caafimaad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ay ka go’an tahay in ay maskax, maal iyo muruqba ku bixiyaan Ololaha Isxilqaan.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha Madxafka Qaranka ahna Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshe dib-u-dhiska Madxafka Qaranka lagu dhammaystirayo sanadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM