Farmaajo oo Gudi u magacaabaya Mashaariic uu dhagax dhigay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

“Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM