Farmaajo oo xilal sare u magacaabay Fahad Yasiin iyo xubno kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan;

1 - Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
2 - S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
3 - G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
4 - S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
5 - G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
6 - Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka [NISA].
7 - S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
8 - G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
9 - G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM