Heshiis dhexmarey maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed
KISMAYO, Dec 30,2014- Waxaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo Sadex maalmood ah ku tagey magaalada Kismayo xarunta dowlad Goboleedka Jubaland Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adan iyo wafti gaaraya 30 xubnood uu hogaaminayo.
Waftiga uu hogaaminayey Madaxweynaha maamulka KMG ayaa isugu jirey siyaasiyiin, Odey dhaqameedyo iyo qaybo ka tirsan ururada bulshada.
Labo maalmood wadatashaiyo dhinacyo badan taabanayey waxaa labada dhinac isla gaareen heshiiskaan hoos ku qoran kaasoo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online.
GAROWE ONLINE