HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta Xarunta Dr. Xabeeb gaarsiisay deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Baris, Saliid iyo Sonkor oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan dadka lagu hayo xarunta Dr. Xabeeb.
Deeqdaan raashinka ee ay Hay’adda Hay'adda Hormuud Salaam Foundation gaarsiisay xarunta dhaqan celinta ee Dr. Xabeeb waxaa ka faaideystay 290 buukaan oo xarunta ku jiro.
Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi, oo ka mid ah masuuliyiinta Hormuud Telecom, Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Raxma Hussen xirsi iyo masuuliyiintii kale ayaa waxaa xarunta Dr. Xabeeb ku soo dhaweeyay aas-aasaha ahna dhaqtarka la tacaalaya dadka dhimirka la’ Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Xabeeb).
Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi oo ku hadlaayay afka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa ugu horeyn ka warbixinaayo deeqdan rashinka ee ay soo gaarsiiyeen xarunta Dr. Xabeeb.
Dhankiisa Dr. Abdirahman Ali Awale (Dr. Xabeeb) ayaa Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ugu mahadnaqay gar-gaarka ay soo gaarsiisay.
Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.
GAROWE ONLINE