Isu soo bax roob ah oo ka dhacday caasimada Puntland [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay isu soo bax Roob doon ah oo Eebbe lagu waydiisanayo raxmaddiisa, maadaama dalka ay ka jirto abaar saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada.

Isu soo baxaan Roob doon ka ah oo ka qabsoomay meel magaalada bannaankeeda ah ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey maamulka gobolka Nugaal, kan dagmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladda, culimo, Isimo iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Khudbado ay jeediyeen Isimada iyo Culimada, waxay dadka ku booriyeen inay Eebbe u noqdaan, ayna iska dhaafaan waxyaabaha keenaya in raxmaddu yaraato.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dadweynaha Puntland ku waaniyay inay is cafiyaan, waxaana uu tilmaamay in abaaraha soo noqnoqday ay ka dhasheen danbiyada la galayo, loona baahan yahay in Eebbe loo noqdo si culayska uu inooka dulqaado.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Alle ka baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa, uguna bedelo Raxmaddiisa, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmad loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen oo xilligan ku jira xaalad adag.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM