Deni oo ku wajahan Shiinaha xili la fahfaahiyey ujeedka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland ayaa u jiheeyey Puntland dhabihii horumarka, Waxaana uu Madaxweynuhu golihiisa fullinta ku amray dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee ka socda dalka.

"Waxaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa wefti wasiiro ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenaka Maaliyadda oo ka soo hadlaya sidii Dowladda Itoobiya iyo Puntland ay uga wadashaqayn lahaayeen Kastamka Tuurdibi, Wasiirka Maaliyaddana dhowr beri ka bacdi ayuu u gudbayaa halkaas si ay dhinaceena heshiisku uga hirgalo mudo ayaan sugaynay waxaan goosanay wada-hadalkiina inaan wadno shaqadiina aan bilowno,

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey Safar shaqo oo uu dhowaan ku tegi doono dalka Chaina.

“Safarkeena Chaina aan ku tagayno haduu hirgalo waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ka hadlidoono waa mashaariic horumarineed oo qaybta ugu weyn ay Mudug ka leedahay oo ah garoonka diyaaradaha iyo mashriic kale"

"Mashaariicdan waaweyn ee hada socda iyo kuwa imaan doona intaba Insha Alla dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen inta qabsoontay inta dhimana intaas ayeey ku hirgeli donaan hadii Alle yiraahdo" Ayuu yiri Madaxweynuhu

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dhaba daaha uga qaaday yoolka fog ee Xukuumadda hadda ka leedahay horumarinta dalka.

“Xukuumadda aan hogaaminayo waxaa dhab naga ah in aan bulshada u shaqayno Mashaariicdii socotey iyo kuwe Alle nala kulmiyo oo aan anagu abuurno in aan ka shaqayno" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM