Madaxweynihii hore ee PL oo ka tacsiyeeyey geerida Xuseen Kadare
Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Ilaah ha u naxariiste Xussein Shekh Axmed (Kadare), Ilaahayna ha ka samirsiiyo qoyskiisii, eheladiisii, asxaabtiisii iyo dadka Somaliyeed oo dhan oo uu ku lahaa tarikh lama illaawaan ah.
Waxaan ka mid ahay AHN dadka Xussein si fiican u yaqiin ee saxiibka lahaa, ilaa yaranteydii. Wuxuu ka dhintay Somali oo dhan, wuxuu ahaa siyaasi wadani ah oo nabaaddoon ah, wuxuu ahaa aqoon leh, gabay yaqaan ama suugaan yaqaan. Hussein wuxuu kalin weyn ee lama illaawaan ah ka qaatay qoridda iyo hirgelinta afka Somaliga.
AHN Xussein waxaan ka wada mid ahayn guddigii farsamada ee shirkii nabadeynta ee lagu qabtay waddanka Djibouti, July1991, si loo so afjaro colaadii dalka ka socotay. Wuxuu ka mid ahaa dadkii sida diirran Muqdisho noogu soo dhaweyay, markii wafdi nabadeyn ah oo aan ka mid ahaa ka yimaaden degaanka Woqooyi Bari (Puntland) bishii August 1991, si Muqdisho dawlad Somaliyeed loogu dhiso. Dabadeed wuxuu madax u ahaa wafdi 1992 horaantiisi degaanka Puntland nabadeyn noogu yimid.
Xussein Shekh Axmed Alle ha u naxariisto, jannadiina Alle ha geeyo, eheladiisii iyo annagaba Alle ha naga samir siiyo.
Aamiin Aamiin
Cabdiraxman Shekh Moxamed Farole