Maxaa looga hadlay Kulanii Farmaajo iyo Madaxda Midowga Yurub?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub.

Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM