Puntland oo dedejineysa xukun ku ridida dadka kufsiga geysta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay laamaha Cadaaladda, Garsoorka iyo Amniga Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caddaalada iyo Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kulanku intii uu socday si qoto dheer ayaa looga wada hadlay arrimaha cadaaladda iyo sidii kor loogu qaadi-lahaa.

Sidoo kale kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinacyadii ka qayb-galay oo isugu jiray Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

"Madaxweynaha oo ka soo qayb-galayaasha shirkan isugu yeeray waxa uu ku saabsanaa sidii kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay loo dedejin lahaa, ciddii danbiga gashayna Cadaaladda loo marin lahaa, dadkii dhibaatada loogaystayna loo dawayn lahaa". ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay ku booriyay inay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado, loona suuriyo ficilada foosha xunxun ee soo laalaabtay.

- DHAMAAD -

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM