Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo la kulmey Madaxweynaha Jabuuti

Image
Image
Image

Djibouti, Arbaco 11 March 2015 –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti iyo Mudane Cabdulqadir Kamil Maxamed  Ra’isul Wasaaraha dalka iyadoo laga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM oo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay labo saacadood ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka, kuwaasi oo ay kamid yihiin tababarka ciidanka, dib-u-heshiisiinta, dar-dargalinta shuruucda, dhamaystirka maamuladda goboleedyada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay dalka ka dhaco iyo howlgalinta kuwa hadda jira.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu yiri:“Waxaan marka hore ka mahad celinayaa soo dhoweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay, Madaxweynaha Djibouti waxaan ka wada hadallay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee aan wadaagno iyo adkaynta iskaashiga noo dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga labada dal oo mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeena.

Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka isla markaana waxaa uu booqan doonaa dakadda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.

—DHAMAAD—

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM