Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Image

BRUSSELS, Oct 28, 2025 – Wasiirka Difaaca Belgium, Theo Francken, ayaa digniin aad u xooggan u jeediyay Ruushka, isaga oo ku hanjabay in haddii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu rasaas ama gantaal ku soo rido Brussels, “annuanna aan Moscow ka tirtiri doonno khariidadda.”

Francken, oo hadalkan ku sheegay mar uu ka hadlayay arrimo la xiriira ammaanka iyo jawaab-celinta milatari ee suurtagalka ah, ayaa hadaladiisa ku sifeeyay inay yihiin digniin adag oo ku wajahan tallaabo kasta oo ka dhan ah caasimadda Belgium.

Hanjabaadda noocan oo kale ah ayaa dhalin karta xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo caalamku xasaasi u yahay hadallada madaxda difaaca ee quseeya isticmaalkooda awood militari. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka yimid dowladda Ruushka ama wasaaraddeeda arrimaha dibadda oo ka jawaabtay hadalka Wasiirka Francken.

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium iyo xeerka caalamiga ah ee la xiriira isticmaalka xoogga iyo ka-hortagga khataraha nukliyeerka iyo gantaallada.

Warbixintu waxay xustaa in jawiga siyaasadeed iyo ammaanka Yurub uu xasaasi yahay, isla markaana hadaladan noocaas ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka caalamiga ah iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagula tacaalayo xiisadaha gobolk

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM