Boqorka Sacuudiga oo cafis u fidiyey maxaabiista u dhashay Masar

Image

RIYADH - Boqor Salman Bin Cabdicasiis, ayaa amar ku bixiyey in cafis lagu sii daayo tirro aan la shaacin oo kamid ah maxaabiista reer Masar ee ku jiray xabsiyada Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka u faafisa Sacuudiga, inta badan maxaabiista la cafiyay ayaa loo haystay kiisas la xiriira in ay u hogaan-sami waayeen shuruucda deganaanshiyaha.

Wakaalada ayaa ku warameysa in Cabdifitaax Al Sisi, Madaxwayne Masar, uu boqor Salmaan uga mahad-celiyey go’aanka cafiska maxaabista, taasi oo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dowladaha Sacuudiga iyo Masar ayaa kamid ah dalal carbeed oo xiriirka u jaray Qadar June, 2017, islamarkaana kusoo rogay xayiraad dhinaca cirka, dhulka iyo badda.

Boqor Salman ayaa cafiska ku dhawaaqay isagoo ku sugan Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeedka u dhaxeeya ururka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

  • Caalamka

    18-10-2025

  • 05:31AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Japan oo caan ku ahaa raalligelintii Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo geeriyooday

Hiroyuki Takano, xoghayaha guud ee xisbigaas ee gobolka Oita — halkii uu kasoo jeeday Murayama.

  • Caalamka

    17-10-2025

  • 09:16AM