Donald Trump oo ka badbaadey in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu hoggaamiyo xibisga Jamhuuriga ayaa maanta cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba qareennada difaacayay madaxweyne Trump, waxaana maanta oo Arbaco ah ay cod u qaadeen labada qodob.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka "MAYA" ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii "HAA" ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.

Go'aanka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwada ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump, kaasoo xilka sii hayn doona inta laga gaarayo doorashadda soo aadan oo uu fursad u haysto in uu difaacdo kursigiisa.

GO + VOA

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM